Qaramada midoobay oo soo dhaweysay dejinta xaaladda Waqooyiga Suuriya

Xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr.Antonio Guterres ayaa soo dhaweeyay dadaalada socdo ee ku aaddan in lagu dejiyo xaaladaha kacsan ee ka taagan dalka Suuriya.
Ciidamada Milatari ee Turkiga ayaa waqooyiga Suuriya ka fulinaya howlgallo ay ku bartilmaameedsanayaan dagaalyahaanada Kurdiyiinta.
Hasa ahaate dadaalo uu Maraykanka qeyb ka yahay ayaa lagu doonayaa sidii bartilmaameedsiga iyo saameynta ka dhalan karta loo yareyn lahaa.
Bayaan ay qaramada midoobay soo saartay ayaa lagu sheegay in Mr. Guterres uu rumeysanyahay in weli xal habboon oo aan ahayn mid milatari la heli karo.
Dhanka kale taliyaha ciidamada kooxda YPG Mazloum Cabdi, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin u hoggaansanka heshiis xabad joojin oo uu Turkiga qeyb ka yahay ama u soo bandhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here