Qaramada midoobay oo u baahan 665 milyan oo doolar

Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa sheegtay in ay u baahan tahay dhaqaale dhan 665 milyan oo doolar si ay kaga hor tagto cudurrada dabeysha iyo jadeecada.
Wax ka qabashada cudurka COVID-19 ayaa hoos u dhigtay tallaalla ka dhanka ah cudurradan waxayna tani halis gelisay nolosha malaayiin carruur ah oo xanuunadan u nugul.
Baaqa la xiriira helidda dhaqaalahan waxaa soo saaray hay’adaha UNICEF iyo WHO.
Waxay sheegeen in walaaca ugu badan laga muujinayo wadamada saboolka ah ama uu dhaqaalahoodu soo kobcayo.
Agaasimaha guud ee UNICEF Henrietta Fore ayaa sheegtay in marnaba aan la ogolaan Karin in la tacaalidda hal cudur ay sabab u noqoto in aan laga hor tagin xanuunada kale.
400 oo milyan oo ka mid ah 665-da milyan waxaa loo adeegsan doonaan ka hor tagga dabeysha halka 255 milyan lagula dagaalami doono jadeecada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here