Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaaan qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimahso iyo dhaawac ah.
Qaraxa ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Nin soo xirtay jaakad ay ku rakiban yihiin waxyaabaha qarxa, isla markaana uu isku qarxiyay banaanka Masaajidka Jaamac Qadiim ee magaalada Kismaayo,isla markaana uu qaraxa la beegsaday Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
Wararka ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaaray Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin, kaas oo loola cararay isbitaalka weyn ee Magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku geeriyooday Saddex qof oo uu ku jiro qofkii ismiidaamiyey halka ay ku dhaawacmeen lix qof oo u badan ilaalada Guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi Kaahin.
Ciidamo ka tirsan Booliska Jubbaland ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo xiray wadooyinka soo gala, isla markaana ay dadka u diidayaan inay meesha tagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here