Qarax iyo rasaas laga maqlay magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in Saaka halkaas Laga Maqlay dhawaaqa Qaraxa la sheegay inuu ka dhacay agagaarka Masjidka Turkiga oo ku yaalla wadada u dhaxeysa Isgoyska fagax & Xaafada jamhuuriya ee degmada Kaaraan.
Wararka la helayo halkaasi ayaa waxaay sheegayaan in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso, isla markaana lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMIOSM oo wadada ku socdaalayay wallow aan la Xaqiijin Karin Qasaaraha ka dhashay.
Ciidamada qaraxa lala eegtay oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen inay rideen rasaas farabadan, oo ay ku waxyeeloobeen qaar ka mid ah dadkii Shacab ahaa eek a agdhawaa halka ay wax ka dhaceen.
Xilliga qaraxa lala eegnayay Ciidamada AMISOM ayaa waxaa la sheegay inay marayeen halka loo yaqaano Dabaqa Dhiiga oo u dhaw Masaajidka Turkiga oo dhanka Waqooyi ka xiga Isgoyska Fagax ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here