Qarax ka dhacay dalka Afghanistan

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen halka toban kalena ay ku dhaawacmeen qarax saaka laga gaystay meel u dhow jaamacad ku taalla wadanka Afghanistan.
Saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in weerarkaasi uu ka dhacay afaafka hore ee iridda laga galo jaamacadda magaalada Kabul.
Afhayeenka wasaaradda caafimaadka ee Afghanistan Waaxid Mayar ayaa dhacdadan warbaahinta u xaqiijiyay.
Mid ka mid ah ardayda jaamacaddaasi wax ka dhigata ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay xilli qaarkood ay imtixaan isku diyaarinayeen.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaasi.
Afhayeenka ciidamada booliska ee magaalada Kabul ,Faramarz Firdaw ayaa dhankiisa xusay inay burburiyeen bambo kale oo la dhigay meel aan sidaasi uga fogeyn iridda weyn ee xaruntaasi waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here