Qarax ka dhacay duleedkaa Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax lagula eegtay duleedka Magaalada Dhuusamareeb Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya xilli ay marayeen degaanka birta dheer oo ku yaalla wadada laamiga ah ee u dhaxeeysa degmooyinka Dhuusamareeb & Guriceel.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha Soomaaliya waxaay sheegeen inay aqlayeen jugta qaraxa balse aysan Cadayn Karin Saamaynta ka dahlatay.
Ciidamada qaraxa lala beegsaday oo ka baxay Magaalada Dhuusamareebn ayaa sida la sheegay waxaay ku wajahnaayeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, iyagoo socdaalkooda sii watay kadib Qaraxaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here