Qarax ka dhacay gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Qarax khasaare gaystay uu ka dhacay Gobolkaaas.
Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ayaa la sheegay inuu ka dhacay Maqaaayad ku taalla Magaalada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo, sidoo kalena uu ahaa mid xooggan oo jugtiisa laga maqlay degaanada iyo degmooyinka ka agdhow Degmada Ceel-waaq.
Sida ay daabacday warbaahinta gudaha Soomaaliya laba qof ayaa ku dhimatay halka Seddex kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas, waxaana la sheegayaa in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.
Maqaayadda Qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay ahayd maqaayad aad u mashquul badnayd, waxaana xiligaas ku sugnaa Maqaayadda dad shacab ah iyo Askar ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee gobolka dego ku sugan.
Dadkii ku dhaawacmay Qaraxa ayaa la geeyay Cusbitaalada ku yaalla Magaalada Ceel-waaq, waxaana lala tacaalayaa dhawaacyadaasi.
Qaraxa ka dib Ciidanka ammaanka ayaa sameeyay Howl gallo iyadoo isku socodjka guud ee Goobtii wax ka dhaceen uu istaagay.
Wali laamaha ammaanka ee dowlada Soomaaliya kama hadlin qaraxa, lamana oga cidda ka danbeysay, balse qaraxyada Noocaan oo kale ah ayaa inta badan waxaa fuliya dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugan deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here