Qarax ka dhacay magaalada Kabul

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afghanistan ayaa sheegtay in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay magaalada Kabul.
Waxaa qaraxa lala eegtay iridda hore ee laga soo galo jaamacadda tababarrada difaaca ee ay dowladda dalkaas leedahay.
Ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee Afghanistan Marwa Amini ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay in dad shacab ah ay waxyeello soo gaartay in kastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaas.
Bishii 11-aad ee sannadkii hore ayay ahayd markii gudaha Kabul uu ka dhacay qarax lagu dilay ugu yaraan 12 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here