Qarax ka dhacay shabeelada dhexe

Wararka ka imanaay gobolka shabeelada dhexe ayaa sheegaya in Qarax geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu Maanta ka dhacay deegaan u dhow degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay inuu haleelay mooto ay wateen dad rayid ah xilli ay marayeen degaanka Miir-taqwa ee duleedka degmada Mahadaay, waxaana ku dhintay qaraxa laba Ruux halka mid kale uu ku dhaawacmay.
Goobjoogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in mootada oo ay saarnaayeen dadka Shacab ah ay ku wajahnayd degmada Mahadaay, hayeeshee ay dhibaatadaasi qabsatay.
Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay howlaglo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay qaraxaasi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here