Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

Wararka Starfm Ay Ka Heleyso Deegaanka Weydow Ee Duleedka Muqdisho Ayaa Sheegaya In Goordhow Qarax Miino Uu Ka Dhacay.

Qaraxa Oo Sida La Sheegay Ahaa Miino Dhulka Lagu Aasay Ayaa Haleelay Gaari Tignikaa Oo La Socday Kolonyo Ciidan Ah Oo Ka Tirsan Mileteriga Soomaaliya, Kuwaas Oo Ku Socdaalayay Wadada Xiriirisa Muqdisho Iyo Afgooye.

Goob Joogayaal Ayaa Warbaahinta Starfm U Xaqiijiyay In Ay Arkayeen Meydka Labo Ruux Oo Mid Uu Ahaa Qof Shacab Ah Iyo Dhaawaca Askar Kale

Ciidamada Ayaa La Sheegay In Ay Ka Yimaadeen Dhanka Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeellada Hoose Kuna Soo Jeedeen Dhanka Muqdisho, Waxaana Lasoo Warinayaa In Qaraxa Ka Dib Ay Ciidamadu Fureen Rasaas Badan, Waxaana La Ogeyn Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Halkaasi Ka Dhashay.

WIXII KU SOO KORDHA KALE SOCO STARFM.CO.KE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here