Qarax lala eegtay kolonyo baabuur oo ay leedahay safaaradda Maraykanka ee Afghanistan

Wararka naga soo gaaraya caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul ayaa sheegaya in bambo lala eegtay kolonyo baabuur ah oo ay leedahay saafaradda Maraykanka ee dalkaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falkaasi ay ku dhaawacmeen 4 sarkaal oo ka mid ah saraakiisha ka howlgalo safaaraddaasi.
Kooxda Taalibaan ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi waxaa uuna ku soo beegmay hal maalin un kaddib markii la gaystay mid kale oo ay fulisay ISIS oo laga fuliyay afaafka hore ee xarun militariga lagu tababaro oo ay ku dhinteen ugu yaraan 6 qof.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in qaraxaasi lala eegtay ciidamo shisheeye oo ayna dileen 10 ka mid ah halka laba baabuurna la burburiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here