Qarax saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax geystay khasaaro kala duwan oo Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Qaraxa ayaa wararku sheegayaan inuu ahaa Haweeney isku so xirtay waxyaabaha qarxa, isku qarxisay Ciidamo ka tirsan hay’daha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA qeybta loo yaqaano ilaalada shacabka, xilli ay ku sugnaayeen meel u dhow Isgoyska Daalo ee degmada Howl-Wadaag gobolka Banaadir.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhimashada lab Ruux oo kala ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka NISA oo magaciisa lagu soo koobay Caana-Geel iyo haweeneyda is qarxisay sidoo kale dhaawacyada ilaa Sddex Ruux, oo loo qaaday Xarumaha Caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamo Boolis ah ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaasoo muddo saacad ka badan hakiyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadadaasi siticmaalayay walow markii dambe ay dib u fureen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here