Qarax xoogan oo ka dhacay masaajid ku yaala Kabul

Afar qof ayaa ku dhintay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen qarax salaada Jimcaha ka dhacay masaajid ku yaala Galbeedka caasimadda Kabul sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.
Masaajidka lala beegsaday qaraxa ayaa lagu magacaaba Sher Shah Suri sida ay warbixinta ku sheegtay wasaradda.
Afhayeenka wasaradda arrimaha dibedda Tariq Arian ayaa sheegay in booliska ay goobta gaareen isla marka uu qaraxa dhacay ayna goobta ka daad gureyeen dadkii uu dhaawaca soo gaaray.
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa balse waxaa weerarada noocan ah masaajidada ku qaada kooxda ISIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here