Qaraxii Beyruut oo hooy la’aan dhigay in ka badan 200,000 qof

Guddoomiyaha magaalada Beyruut ee dalka Lubnaan Marwaan Cabuud ayaa sheegay in inta u dhaxeyso 200,000 ila 250,000 qof ay hooy la’aan noqdeen kaddib markii qaraxii shalay uu burbur u geystay guryahoodi.
Waxaa uu dhanka kale xusay in maamulka magaaladaas ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi loo gaarsiin lahaa cuno, biyo iyo meel ay ku hooydaan.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Lubnaan, Michel Aoun, ayaa maanta isugu yeeray shir deg deg ah oo ay yeelanayaan golaha sare ee gaashaandhigga ee dalkaasi.
Waxaa uu sheegay in labo todobaad oo xaalad deg deg ah ay tahay in looga dhawaaqo waddankaasi kaddib markii qarax weyn oo ka dhacay shalay caasimadda Lubnaan ee Beyruut ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, halka dhaawacuna ka badan yahay 4,000.
Waxaana qaraxa uu gebi ahaanba dhulka dhigay dhismayaal badan oo ku yaallay caasimaadda wuxuuna geystay khasaare baahsan.
Saraakiisha ayaa sheegay inay filayaan in tirada dhimashadu sii siyaaddo iyadoo shaqaalaha gurmadka ay qodayaan dhismayaasha si loo soo saaro dadka ay weli ku hoos jira.
Ila iyo hadda ma cadda waxaa sababay qaraxa balse waxaa lala xiriirinaya in 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate oo la soo qabtay kaddibna lagu keydiyay makhaasiin halkaas ku yaallay muddo lix sano ah.
Ra’iisul wasaare Xasan Diyaab ayaa ku dhawaaqay inay maanta tahay maalin baroordiiq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here