Qaraxyo mataano ah oo ka dhacay dalka Tunisia

Nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu maanta qarxiyey Gaari ay lahaayeen Boliska oo taagnaa goobta uweyn ee Bartamaha caasimadda dalkaasi ee Tunis.
Boliska dalakasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka AFP waxay sheegeen inay dhowr Askari ku dhaawacmeen Is-qarxintaasi.
Saxafi ka tirsan Wakaalladda AFP oo tegay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay qeybo ka mid ah hilibka dadka lagu arkayey agagaarka gaariga qaraxa lala beegsaday, kaasi oo taagnaa Waddada Burqiiba ee u dhow qeybta gabowday ee magaalladda Tunis.
Wakaalladda Wararka REUTERS waxay ka soo xigatay Goobjoogayaal inuu qaraxu ka dhacay Wadadda Charles de Gaulle oo aan ka fogeyn Dhismaha Safaaradda Faraniiska ee magaalladda Tunis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here