Qaraxyo Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Wararka ka imaanaya  Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay saqdii dhexe laga maqlay qaraxyo xoogan.

Qaraxyada ayaa waxaa lagu weeraray Guryo ay degan yihiin labada Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada maamulka Puntland,kuwaasi oo ka howlgala buuraha gal-gala,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Hase ahaate waxaa burbur soo gaaray Guryihii weerarka lagu qaaday,isla markaana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ay uga hadlayaan weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here