Qareen Kenyaan ah oo ka soo hormuuqanaya maxkamadda ICC

Paul Gicheru oo ka mid ah qareenada dalka oo dhawaan isku dhiibay maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ayaa maanta markii ugu horreysay maxkamadda hor tagaya.
la dhageysan doonaa dacwadda uu wajahayo.
Maxkamadda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Gicheru uu 4-ta galabnimo ee saacadda dalka Netherlands qaab muuqaal ah kaga qayb geli doono isagoo uu garyaqaan matalaya.
Waxaa uu fursad u haystaa in la fahan siiyo waxa ay ku saleysan tahay dacwadda uu wajahayo, sidoo kale waxaa la xaqiijinayaa luuqadda uu jecel yahay in ay maxkamaddu adeegsato.
Maxkamadda ayaa maanta shaacin doonto taariikhda la dhageysanaya dacwadiisa.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo dhawaan ay dacwad oogaha guud ee maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da Fatou Bensouda dowladda Kenya ugu baaqday inay u gacan geliso labo eedeysanayaal oo kale.
Shakhsiyaadkan iyo Paul Gicheru ayaa loo haystaa inay farageliyeen marqaatida dacwado halkaas la geeyay oo khuseysay 6 Kenyaan oo ay ka mid ahayeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.
Bensouda ayaa dhanka kale soo dhaweysay go’aankii uu dhawaan maxkamadda ICC-da isugu dhiibay Mr. Gicheru .
Waxay hasa ahaate sheegtay in qareenkan ay wada shaqeyeen Philip Kipkoech Bett iyo Walter Osapiri Barasa oo labaduba laga doonayo inay maxkamadda iska xaadiriyaan.
Bensouda ayaa sheegtay in dowladda Kenya laga doonayo inay u hoggaansanto xeerarka cadaaladda oo ayna maxkamadda ku wareejiso labada eedeysanayaal si wax looga weydiiyo eedeymo loo soo jeediyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here