Qareen wax ka qoray dastuurka dalka oo geeriyooday

Waxaa magaalada Nairobi ku geeriyooday Nzamba Kitonga oo ka mid ahaa qareenadii isku dubariday dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo ee la soo saaray 2010-kii.
Ninkan ayaa dhintay isagoo 64 sano jir ah wuxuuna u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah sida laga soo xigtay xubin ka tirsan qoyskiisa.
Geerida Kitonga ayaa lagu sheegay dharbaaxo xooggan oo soo gaartay dalka gaar ahaan aqoonyahanada sharciga maadaama lagu wado in berri si rasmi ah loo soo bandhigo isbeddelo dastuuri oo uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI.
Waxaa geeridiisa ka tacsiyeeyay mas’uuliyiin badan oo ay ka mid yihiin madaxa xisbiga ODM, Raila Odinga, madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa ururka qareenada dalka ee LSK Nelson Havi, madaxa cadaaladda dalka Mr. David Maraga , barasaabka caasimadda dalka ee Nairobi Mike Sonko iyo hoggaamiyaal kale.
Waxay dhammaan Nzamba Kitonga ku tilmaameen aqoonyahan kaalin weyn ka soo qaatay horumarrada dhanka sharciga ee lagu tallaabsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here