Qareenada dalka oo berri maxkamadda geeynaya dacwad ka dhan ah bandowga

Ururka ay ku mideysan yihiin qareenada dalka ee LSK ayaa la filayaa inuu berri maxkamadda u gudbiyo dacwad uu kaga soo horjeedo bandowga wadanka ka jiro inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Amarkan oo uu maalmo ka hor ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhaqan galay 27-kii bishan .
Madaxa LSK Mr. Nelson Havi ayaa su’aal geliyay sharcinimada bandowga oo habeenkii ugu horreeyay la arkayay qaar ka mid ah ciidamada ammaanka oo shacabka jirdil u geeysanaya.
Mr. Havi ayaa xusay inuu waaxda garsoorka ku wargeliyay tallaabada uu doonayo inuu qaado welina uu jawaab sugaya.
Maxkamadaha dalka ayaa hadda qaab online ah ku shaqeynaya kaddib markii madaxa cadaaladda ee dalka Mr. David Maraga uu howlwadeenada ku amray inay waajibaadkooda shaqo gutaan iyagoo guriyahooda ku sugan si aan cudurkan la isugu gudbin.
Mr. Havi , madaxa ururka garyaqaanada dalka ee LSK ayaa sheegay in xeer ilaaliyaha guud ee wadanka Paul Kihara Kariuki iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi laga doonayo inay ka jawabaan dacwadda uu maxkamadda u gudbinaya maalinka Isniinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here