Qareenada Soomaaliya oo ka soo Horjeestay sharci ay Wasaarada Maaliyadu soo saartay

Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenada Soomaaliyeed Daahir Maxamuud Cali ayaa sheegay in Xeer nidaamiye ay Wasaaradda Maaliyadda dowlada Fedraalak Soomalaiya soo saartay oo ku socda Maxkamadaha dalka uu yahay mid gebi ahaan khilaafsan shuruucda dalka u degsan.
Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayuu ku sheegay in markii la soo saarayo xeer nidaamiye ay soo saari karto kaliya cidda awooda leh,hayeeshee warqadda uu soo saaray wasiirka Maaliyadda dowlada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ay isla xeerkaas khilaafsan tahay.
Xeerka ajuurada Maxkamadaha ayaa waxaa uu sheegay inuu soo saari karo kaliya Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya,isla markaana Canshuuraha uu aruurinaayo kaaliyaha Maxkamadda awooda u leh dacwadaha la furaayo.
Abuukaate Daahir waxaa uu sheegay in Wasiir Beyle uu kamid yahay xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay,sidaasi daraadeedna uu yahay kaliya sii haye Xil wasaaradeed xeerna uusan soo saari Karin sida uu hadalkiisa u dhigay,waxaana uu sharaxaad dheri ah ka bixiyay Xeer nidaamiyaha uu soo saaray Wasiirka iyo Xeer nidaamiyihii hore kuwaasoo uu sheegay inay jiraan qodobo badan oo ay ku kala duwan yihiin.
Tan iyo markii Sii hayaha Xilka wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu soo saaray xeer nidaamiye, Canshuur looga doonayo Maxkamadaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa arrintaasi si weyn uga soo horjeestay Ururka Qareenada Soomaaliyeed oo sheegay inuusan sharuucda dalka U taala waafaqsanayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here