Qatar oo xayiraadaha qafiifinaysa bisha sideedaad

Dowladda dalka Qatar ayaa sheegtay in laga billaabo koowda bisha sideedaad ee sannadkan la fududeyn doono xayiraadaha dhanka safarrada.
Waxaa bisha soo socoto shacabka iyo ajaaniibta haysta deganaanshaha Qatar loo ogolaan doonaa inay dibadda u safraan sido kalena ka soo laabtaan.
Dadka ka imaanaya wadamada aynan ka jirin halis sare oo la xiriirta cudurka COVID19 ayaa marka ay ka soo degaan garoomada diyaaradaha ee Qatar baaritaano lagu sameyn doonaa.
Waxaa mar labaad cudurka laga baari doonaa kaddib toddobo maalmood oo karantiil ah sida laga soo xigtay bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta ee dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here