Qaybo badan ka mid ah dalka oo ay korontadu ka maqantahay

Shirkadda korontada ee dalka ee KPC ayaa saaka bulshada Keenyaanka ku wergelisay in cilad dhanka gudbinta korontada ay soo wajahday.
Korontada ayaa baxday abaaro saaka 5.49 daqiiqo ee subaxnimo.
Qaybo badan kamid ah dalka ay haataan korontadu ka maqantahay.
Shirkadda ayaa macaamisheeda ka raaligelisay sababta keentay in ay korontada baxdo.
Waxaa ay sheegtay in injineeradu haatan ku howlanyihiin dib u soo celinta korontada.
Arrintaan ayaa timid xilli wasaaradda tamarta ay ku dhawaaqday inay sare u kacayaan heerarka biyaha ee biyo-xireennada kaddib markii roobab culus uu qaybo ka mid ah dalka ka da’ay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here