Qaybo ka mid ah Muqdisho oo Maanta uu Banaanbax ka dhacay

Wararka ka imaaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maanta dad Caraysan ay Banaanbax ka Sameeyeen Xaafadaha ku dhow Wadada Warshadaha ee degmooyinka Hurwaa & Yaaqshiid.
Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigay dad u badan Gaadiidleey, waxayna ka cabanayaan dhagxaanta lagu jaray wadada warshadaha, iyo lacago ay sheegeen inay ka qaadayaan Gaadiidka Ciidamada Dowladda, iyagoo dalbanaya in wax laag qabto Tabashadooda.
Qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ka sokow dhagxaanta wadooyinka qaar lagu jaray ay ka cabanayaan in Ciidamada dowladda ay Gaadiidleyda ku amrayaan inay bixiyaan lacag si ay wadadaas u maraan.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay koontorool Cusub soo dhigteen Isgoyska Ex-koontorool Balcad, isla markaana Gaadiidleyda ay diidan yihiin lacag dhan $2 Dollar gaarigii aan bixina uusan u gudbi karin dhinaca kale ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maalin ka hor munaasaad loogu magac daray furista Wadooyinka ka sheegay in wadooyinka dhagxaanta ku xirnaa ay fureen, hayeeshee ay soo baxeyso cabasho ku aadan in wadooyinkii la furay Gaadiidleyda laga weeydiinayo inay lacag ku maraan taasoo keentay banaanabaxa Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here