Qeyb ka mid ah suuqa Gikomba oo gubatay

Dab xalay ka kacay suuqa Gikomba ee magaaladatani Nairobi ayaa lagu soo warramayaa inuu burburiyay qeyb ka mid ah goobtaas.
Waa markii labaad sannadkan gudihiisa oo dhacdadan mid la mid ah la soo tabiyo.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dabka uu abaare 2-dii habeenimo ee xalay ka billowday qeybta bakhaarrada.
Saraakiisha waaxda dab damiska ee Nairobi ayaa ku guulaystay inay xakameyaan.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ee keentay in suuqa uu gubto balse baaritaano dhacdadan ku aaddan ayaa socdo.
Bishii lixaad ee sannadkii 2018-kii ayay ahayd markii ugu yaraan 15 qof ay dhinteen halka in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen dab xilli habeen ah qabsaday suuqa Gikomba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here