Qiimaha noocyada shidaalka oo kordhay

Maamulka maareeya tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa soo saaray isbeddelo cusub oo ku aaddan qiimaha lagu iibiyo shidaalka noocyadiisa kala duwan.
Shalay ayay ahayd markii guddiga maareeya tamarta iyo batroolka ee (EPRA) uu soo saaray qiimaha cusub ee laga soo billaabo saqdii dhexe ee habeenkii jimcihi lagu iibin doono Batroolka , naaftada iyo Kerosene.
Qiimaha shidaalka ah nooca Super Petrol ayaa magaalada Nairobi ee halkii liitar ayaa waxaa uu korday 2.67 shilin halka naftaada uu qiimihiisu korday 2.13 oo shilin.
Waxay tani micnaheedu tahay in gaadiidleyda ay halkii liitar ee super petrol ku iibsan doonaan 112.87 oo shilin, diesel ama naaftada waxaa lagu gadanayaa 104.45 oo shilin halka Kersene uu liitarkii noqonayo 102.87.
Magaalada Mombasa halkii liitar ee super petrol waxaa gaadiidleyda laga iibinaya 110.40 oo shilin, diesel-ka waa 101.98 shilin halka Kerosene uu gaaray 100.21 oo shilin.
Qiimaha cusub ayaa dhaqan galay laga soo bilaabo 14-ka Febraayo ilaa 14-ka Maarso ee sannadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here