Qiimaha noocyada shidaalka oo kordhay

Waxaa maanta si rasmi ah dalka uga dhaqangalaya isbeddel ku yimid qiimaha lagu iibiyo noocyada shidaalka kala duwan.
Shalay ayay ahayd markii guddiga maareeya tamarta iyo batroolka ee (EPRA) uu soo saaray qiimaha cusub ee laga soo billaabo saqdii dhexe ee xalay lagu iibin doono Batroolka , naaftada iyo Kerosene.
Qiimaha halkii liitar ee bartoolka ee Nairobi waxaa ku kordhay 0.29 oo shilin, naaftada 0.88 iyo shidaalka Kerosene uu qiimihiisu kordhay 2.31 oo shilin.
Waxay tani micnaheedu tahay in gaadiidleyda ay halkii liitar ee batroolka ku iibsan doonaan 115.39 oo shilin, diesel ama naaftada waxaa lagu gadanayaa 103.88 oo shilin halka Kersene uu liitarkii noqonayo 101.97 oo shilin.
Agaasimaha guud ee guddiga maareynta tamarta ,Robert Oimeke ayaa sare u kaca qiimaha ku saleeyay inuu kordhay qarashaadkii ku bixi jiri in shidaalka dalka dibadiisa laga keeno.
Waxaa uu sido kale u aaneeyay in qiimaha shilinka dalka uu hoos u dhacay marka loo barbardhigo doolarka Maraykanka.
Magaalada Mombasa halkii liitar ee batroolka waxaa gaadiidleyda laga iibinaya 112.74 oo shilin, diesel-ka waa 101.25 shilin halka Kerosene uu gaaray 99.39 oo shilin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here