Qiimaha shidaalka oo isbeddel lagu sameeyay

Maamulka maareeya tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa soo saaray isbeddelo cusub oo ku aaddan qiimaha lagu iibiyo shidaalka noocyadiisa kala duwan.
Qiimaha shidaalka ah nooca Super Petrol ee halkii liitar ayaa la dhimay 1.09 shilin, Diesel-ka ama naaftada waxaa la dhimay 2.83 halka Kerosene uu qiimihiisu hoos u dhacay 1.75 shilin isku celcelis ahaan.
Gadiidleyda dalka ayaa halkii liitar ee bartoolka Super Petrol waxaa qiimo tafaariiq ahaan looga iibinaya 109.50 shilin, Diesel- 101.78 shilina halka Kerosene uu noqonayo 102.31 oo shilinka dalka ah.
Qiimaha cusub ayaa dhaqan galay laga soo bilaabo 14-kii Disember ilaa 14-ka Janaayo ee sannadka 2020-ka.
Magaalada Mombasa halkii liitar ee batroolka waxaa gaadiidleyda laga iibinaya 107.45, oo shilin, diesel-ka waa 99.74 shilin halka Kerosene 100.26.oo shilin.
Magaalooyinka Nakuru iyo Kisumu ayaa qiimaha waxba iska badalin oo qiimaha bartoolka ayaa weli ah 109.90 shilin halkii liitar, naaftada ama Diesel,102.40 iyo Kerosene oo ah 102.91.
Maamulka tamarta iyo batroolka dalka ayaa sheegay in qiimahan cusub ee shidaalka ay qeyb ka tahay canshuur ah boqolkiiba 8 oo lagu soo bandhigay sharcigii maaliyadda ee Finance Act 2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here