DHAGEYSO:Qiimaha Xujayda Soomaaliyeed ee Sanadkaan ay ku soo xajinayaan oo la shaaciyay

Guddiga Loo Xilsaaray maaraynta arimaha Xajka Soomaaliya oo ay dhawaan Magacaawday Xukuumadda Soomaaliya si ay Go’aan uga gaaraan shirkadaha u tartamaya Xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo qiimaha Xajka ayaa soo gudbiyey go’aanadooda ku aadan arimaha ay soo qabteen.
Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha Guddigaasi oo Akhriyey Go’aankooda ayaa sheegay in tirada dadka Soomaaliyeed ee loo ogolaaday inay Xajka aadaan Sanadkaan ay gaarayaan 11,500 oo Xujay ah.
Wasaaradda arimaha Diinta iyo Awqaafta ee dowlada Soomaaliya ayaa 3-dii Bishii Apriil go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka ay ku Shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan oo ku dhisan fursad loo siman yahay.
Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha Guddiga loo xilsaaraya rimaha xajka Sanadkaan oo ka hadlayay qodobada ay xujeydu ka walacsanaayeen sida qiimaha laga qaadayo,waxaana uu sheegay in qiimaha Xajka ee sanadkaan uu yahay $3600 oo Dollar halka qiimaha ugu sareeya ee VIP-da uu noqonayo 5,000 oo Dollar.
Ugu danbayntii gudiga ayaaa sheegay in tartankii la galay ay ku guulaysteen 58 shirkadood,wuxuuna soo bandhigay Magacyada Shirkadaha Diyaaradaha ee guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here