Qiimeyn ku saabsan saameynta Ayaxa oo dhawaan billaabanaysa

Wasaaradda beeraha ee dalka ayaa la filayaa inay dhawaan guda gasho qiimeyn ku aaddan saameynta Ayaxa uu ku yeeshay dhaqaalaha dalka.
Waxaa si gaar ah loo eegaya heerka uu gaarsiisan yahay burburka uu Ayaxa ka gaystay 12 ka mid ah ismaamullada dalka.
Xoghayaha wasaaradda beeraha ee dalka Hamadi Boga ayaa sheegay in Kenya ay kaashanaysa bangiga adduunka iyo hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO si loo howlgeliyo khuburro muddo bilooyin gudahood ah qiimeyn ku sameyn doono.
Mr. Hamadi ayaa intaa ku daray in tan iyo markii Ayaxa lagu arkay gudaha wadanka dowladda ay adeegsatay 500 oo milyan oo shilin oo lagu soo iibiyay suntan lagu buufiyay , in saraakiil loo shaqaaleysiiyay la tacaalidda arrinkan sido kalena diyaarado loo kireeyay buufitaanka dhanka hawada.
Tan iyo bishii Diseembar ee sannadkii hore waxaa la soo tabiyay in cayayaankan lagu arkay 25 dowlad deegaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here