QM iyo AMISOM oo ka shiray howlgaladooda Soomaaliya.

Magalada Muqdisho waxaa ka furmay Shir u dhaxeeya AMISOM iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS),,waxaana kulankaas looga hadlayaa Samaynta qorshe-hawleed dhameystiran oo lagu hagayo howlaha Midowga Afrika ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Ciidamada AMISOM laga bilaabo 2019 illaa 2021 la iskulana Dubaridayo fikradihii Hawleed ee dib loo eegay ee Qorshaha Kalaguurka Soomaaliya (STP).
Sidoo kale Madashaan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa waxqabadka ugu weyn ee hoos imaanaya Qorshaha Kala-guurka Soomaaliya, Xiliga la filayo in Ciidamada AMISOM ay isga Baxaan dalka Soomaaliya ayna ku wareejiso mas’uuliyadda amniga dalka Ciidamada Xoogga Soomaaliya marka la gaaro 2021.
Madaxa Howlgalka AMISOM ahna Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in shirkaan uu kusoo aaday waqti ay AMISOM qabaneysay howlo muhiim ah sida howlgalada militari ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Waxa uu tilmaamay inay Lagama maarmaan tahay in la helo qorshe ku filan,taageero uu weheliyo jawi hawlgaleed adag iyo gaarsiinta saadka loo adeegsado guusha howlgalka AMISOM.
Madaxa Xafiiska Taageerada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Lisa Filipetto ayaa dhankeeda amaantay doorka ay AMISOM ka ku leeyihiin xasilinta Soomaaliya waxayna ku celcelisay sida ay kaga go’antahay UNSOS in la hubiyo in waqtigeeda la helo taageero kufilan howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay wali gacanta ku hayaan Xoggaga dowlada Diidan.
Shirkaan ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ka ahaa saraakiil ka socotay Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, wakiilo ka kala socda dhamaan ciidamada ka joogaan Soomaaliya, saraakiisha sarsare ee AMISOM ee militariga, booliska iyo qaybaha Bulshadarayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here