QM iyo Midowga Africa oo ka qayb qaadanaya baaritaanka diyaaradii ku dhacday Bardaale

War kasoo baxay Kuxigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey inay aad uga xun yihiin diyaaradii Labo Maalin ka hor ku burburtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha degmada Bardaale ee Gobolka Baay oo ay ku geeriyoodeen lix ruux oo kala ahaa Kenyan iyo Soomaali ah.
Warka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in dadaal kasta ay ku bixin doonaan sidii loo cadeyn lahaa sababta ka dambeysa inay diyaaradaas oo waday Agab Caafimaad ay burburto.
Sidoo kale Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay sameyn doonaan wax kasta oo karaankooda ah si ay uga caawiyaan mas’uuliyiinta dowladda dhexe ee Soomaaliya inay Helaan waxa sababay musiibadaas, ayna sii wadi doonnaa dabagalka arintaas ogaanshaheedu muhiimka yahay.
Dhinaca kale Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira ayaa soo dhaweeyey Go’aankii dowladaha Somalia iyo Kenya ee ku Aadan baaritaanka sidii lagu ogaan lahaa sababta ay u burburtay Diyaaradda African eek u dhacday degmada Bardaale.
Waxaa uu sheegay Danjire Francisco si dhow ula Shaqeyn doonaan dowladaha Soomaaliya,Itoobiya iyo Kenya si ay u fududaadaan howlaha baaritaanka ah ee socda.
Shalay waxaa gaaray goobtii ay ku dhacday diyaaradda ee degmada Bardaale Wafdi isugu jira Wasiiro ka socda Dowladda Soomaaliya Maamulka Koonfur Galbeed iyo Safiirada dalalka Kenya iyo Itoobiya,iyagoo qiimeyn ku sameynayay sida ay diyaaradaasi ku burburtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here