QM iyo Soomaaliland oo ka wada hadlay dib u fasaxida wadashaqayntooda

Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya James Swan ayaa waxay yeesheen wada hadal dhinaca khadka taleefoonka ah, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.
Wararka laga helayo wada hadalka labadaan masuul ayaa waxaay sheegayaan inay isla soo qaadeen sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka wada-shaqeyneyd maadaamaa Somaliland ay dhawaan ku dhawaaqday inay hakisay howlihii Hay’adaha QM ka wadeen degaanada Somailand.
Wararka ayaa waxaay sheegayaan in Madaxweynaha Somaliland uu QM hor-dhigay shuruudo cusub oo u oggolaanaya UN iyo hay’adahoodu inay si gooni gooni ah ula macaamilaan Somaliland.
Todobaadkii hore Madaxweynaha Somaliland Muuse Cabdi ayaa Qaramada Midoobay ku eedeysay inay amarro ka soo qaadatay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay doonayeen inay Somaliland ka fuliyaan mashaariic aan dan ugu jirin dadka Somaliland sida uu hadalkiisa u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here