QM oo Canbaaraysay dil shaqaalaheeda loogu gaystay Soomaaliya

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dil labo ka mid ah Shaqaalahooda samafalka dhawaan loogu gaystay magaalada Muqdisho falkaas oo lala Xiriiriyay Dagaaleyaasha Al-shabaab.
Labada shaqaale samafal ee Soomaaliyeed waxay ku shaqeynayeen ololaha socday ee tallaalka cudurka dabaysha, ee ay soo qabanqaabiyeen Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shaqaalahaan ayaa ahaa dad rayid ah oo adeegyo caafimaad oo muhiim ah siinayay carruurta nugul ee magaalada Muqdisho ku nool, Qaramada Midoobay ayaana si adag u cambaaraysay Falkaan Wuxuushnimada ah ee nolosha lagu dhaafiyay dad aan waxba galabsan.
Sidoo kale waxay Hoosta ka Xariiqday in dhinacyada oo dhan ee xaaladaha colaadduhu quseeyaan ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan ilaaliyaana dadka rayidka ah.
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta ama hay’adaha inay baaritaan buuxa ku sameeyaan dilalkaan, ayagoona tacsi tiiraanyo leh u diraysa qoysaska dhibbanayaasha.
Warbixinta Qm waxaa sidoo kale lagu sheegay in dilka labadan shaqaale caafimaad ay xadgudub weyn ku tahay Sharciga Caalamiga ee Bani’aadanimada,Iyagoo ahaa shaqaale bini’aadanimo.
waxay ku sugnaayeen jiidda hore waxana isku dayayeen inay xakameeyaan cudurka dabaysha ee Saamaynta ku yeeshay dhalaanka Soomaaliyeed.
Dhammaan dhinacyada ayaa lagu boorinayaa inay ilaaliyaan shaqaalaha samafalka, taasoo ay ka mid tahay inay dhowraan mabaadi’da samafalka ee bani’aadanimada, eex la’aanta, dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida, si Soomaaliya looga cirib-tiro cudurrada laga hortegi karo sida cudurka dabaysha oo kale.
Dilkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu cudurka dabayshu Haleelay 23 carruur ah oo ku nool Soomaaliya, gaar ahaan Gobollada koonfurta iyo bartamaha sida Qm Tilmaamtay.
Qm ayaa sheegaty in Amniga uu wali caqabad weyn ku yahay howlaha samafalka ee ka socda Soomaaliya, Tan iyo bishii Janaayo 2020, 191 dhacdo oo ka dhan ah howlaha samafalka ayaa la diiwaangeliyay oo 13 shaqaale samafal lagu dilay, 12 lagu dhaawacay, 24 lagu afduubay iyo 14 lagu xiray ama si ku meel gaar ah loo xanibay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here