QM oo ka hadashay dagaalka Al-shabaab

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa ka hadlay dagaalka mudada dheeraaday ee ay dowladda Soomaaliya kula jirto Ururka Al-Shabaab oo weli ku sugan degaano ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.
Amb, James Swan waxaa uu sheegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo khatar amni iyo mid horumarineed ku ah dalka Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii wado dagaalka lagula jiro si looga saaro deegaanada ay wali Gacanta ku hayaan.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, James Swan oo la hadlay Wargeyska kasoo baxa dalka Turkiga ayaa Tilmaamay in weli Al-Shabaab ay xoogan yihiin oo weeraro fulin karaan, hayeeshee ay u baahan tahay in laga hortago Talaabo kasta oo ay qaadayaan.
James Swan Safiirka QM ee Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay in Al-Shabaab ay yihiin halis amni oo weli kajirta Soomaaliya, ayna muhiim tahay in si wadajir ah looga hortaggo maadaama ay yihiin kuwo jira oo xiriir la leh al-qaacida, ayna rajeynayaan inay noqdaan kuwo aan sii jiri karin oo taageero ka waaya Soomaalida.
Ugu dambeyn Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha dalka Soomaaliya Amb, James Swan waxaa uu carabka ku adkeeyay in dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda ay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa weerarada Al-Shabaab, iyadoo aan lag eegeyn kaliya qaab Millateri.
Qaramada Midoobay waxaay kamid tahay Hay’adaha Soomaaliya ka taageera dhinacyo badan oo uu amniga kamid yahay, waxaana jira Hay’addo iyo dowlado kale oo Soomaaliya ka taageera dagaalka lagula jiro Xogga Al-Shabaab ee amaankeeda lidiga ku ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here