QM oo ka shiraysa arimaha Soomaaliya

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee Maanta ay kulan aan caadi aheyn ka yeeshaan xaalada dalka Soomaaliya, oo hada kala Guur maraysa.
Kulanka Maanta Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maalmo ka hor lagu wargeliyay Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa xaalada Amni ee Soomaaliya & doorashooyinka soo aadan.
Diplumaasiyiin ka qeyb-gelaya Kulanka Maanya ee Golaha Ammaanka ayaa waxay sheegeen in si weyn loo falan qeyn doono Arrimaha doorashada Soomaaliya oo weli aan go’aan rasmi ah aan laga gaarin, xilli muddo xileedka dowlada hada jirta uu geba-gabo yahay.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arimaha dalka Soomaaliya Amb, James Swan ayaa warbixin u jeedin doona xubnaha golaha, isagoo uga hadli doono xaalada siyaasadeed ee xilligaan dalka Soomaaliya uu Marayo.
Dalka Soomaaliya ayaa Wuxuu xilligaan ku jiraa waqti kala-guur ah, waxaana loo diyaar garoobayaa doorasho aan wali la shaacin Nooca ay tahay taasoo uu muran badan ka taagan yahay.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxda Saddex Maamul Goboleed & Duqa Magaalada Muqdisho,kuwaasoo halkaas u tegay furitaanka Shirka wada-tashiga Dhusamareeb wajigiisa sadexaad, balse waxaa ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb shuruud ku xiray Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
Xubnaha Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha dalka Soomaaliya ayaa waxay isha ku hayaan xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in dalka laga qabto doorasho la isku raacsan yahay oo laga wada heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here