QM oo Myanmar ku eedeysay inay duqeymo ka fulisay gobolka Rakhine

Myanmar's State Councellor and Foreign Minister Aung San Suu Kyi looks on during the 9th ASEAN UN Summit on the sideline of the 31st Association of Southeast Asian Nations (ASEAN) Summit in Manila on November 13, 2017. World leaders are in the Philippines' capital for two days of summits. / AFP PHOTO / POOL / Linus ESCANDOR II

Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ciidamada Dowladda Myanmar ku eedeyay inay duqeymo dhanka cirka ah ka gaysteen gobolka Rakhine.
Qoraalka ayaa intaa ku daraya in weerarrada si maalinla ah loo fulinayay.
Ugu yaraan 32 qof oo shacab ah ayaa halkaa lagu dilay tan iyo 23-kii bishii saddexaad ee sannadkan.
Afhayeen lagu magacaabo Rupert Colville oo warbaahinta kula hadlay magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegay inay aad u adagtay in la kala saaro in dadka dhintay la bartilmaameedsaday ama ay dhibaato ka soo gaartay iskudhacyada u dhaxeeya milatariga Myanmar iyo maleeshiyada Arakan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here