QM oo Soomaaliya dhinacyo kale duwan ka taageeraysa

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, James Swan, ayaa kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed.
Kulanka ayaa Arimaha ugu waa weyn ee ay kaga wada hadleen waxaa kamid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka soo socda.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa balan qaaday inay taageero horleh siinayaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliska oo Kaalin dhanka Amniga ah ka qaata arrimaha guud ahaan dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamad ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay taageerada ay had iyo jeer siiyaan dowladda Soomaaliya si dalku uu u gaaro isku filnaansho dhinacyo badan ah.
Hay’adaha kala duwan ee Qaramada midoobay ayaa waxaay Soomaaliya siiyaan taageero kala duwan, sida Amniga dhaqaalaha iyo Arrimo la xiriira caawinta dadka barakacayaasha ah ee sababo kala duwan ugu barakacay gudaha dalkooda hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here