Qodobbada qeybta ka ah warbixintii shalay la soo bandhigay

Warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ee shalay Kenyaanka lala wadaagay waxaa qeyb ka ah in shacabka ay sheegeen inaynan jirin anshax qaran sidaasi awgeed la doonayo inuu jiro qorsho loo dejiyay in ka badan 100 sano. In carruurta la baro dhaqan wanaagga iyo mas’uuliyadda sido kalena 26-ka bisha Disembar laga dhigo maalinta qaran ee dhaqanka.
Marka la eego mas’uuliyadda, kenyaanka waxay soo jeediyeen in qof kasta uu wadanka is lahaysiiyo iyo in dhalinyarada ay da’adooda u dhaxaysa 18 ilaa 26 sano inay 6 bilood si iskood ah ugu adeegaan dalka.
Si xal loogu helo khilaafaadka qabiilka ku saleysan waa in ardayda dugsiyada lagu baro dhaqamada bulshooyinka kale iyo in dugsiyada dowladda ee leh qeybta jiifka ay qaabilaan boqolkiiba 50 arday aan ka soo jeedin dowlad deegaanka ay ku yaallaan sido kalena hannaanka siyaasadeed uu noqdo mid cid kasta ay ka dhex muuqato.
Dhanka doorashooyinka lagu kala qeybsamo inuu jiro ra’iisul wasaare, in la soo dhiso guddi cusub oo doorashada maareynaya ka hor sannadka 2022-ka sido kale in meesha laga saaro xoghayayaasha sare ee wasaaradaha u qaabilsan dhanka maamulka ee loo yaqaano CAS.
Sido kale in guddoomiyaha guddiga doorashooyinka uu noqdo madaxa fulinta dhanka kalena aynan qasab ahayn inuu qareen ahaado balse qof leh 15 sano oo khibrad dhanka maamul sare ah.

Si cid kasta ay u dareento inay dowladda ka dhex muuqato waa inuu jiro xafiis gaar ah oo qaabilsan ka qeyb qaadashada dadweynaha ee howlaha kala duwan.
Si horumar iyo barwaaqa loo wada gaaro shacabka waxay ku talinayaan in dib u habeyn lagu sameeyo dhaqaalaha maadaama dad badan ay wax soo saarka beeraha ku tiirsan yihiin iyo in meesha laga saaro lacagaha gunnooyinka ee ay qaataan shaqaalaha dowladda.
Si musuqmaasuqa wadanka hareeyay xal loogu helo waxay shacabka guddiga BBI kula taliyeen in shaqaalaha dowladda aynan wax ganacsi ah la yeelan dowladda iyo in qof kasta oo soo sheego fal musuqmaasuq la siiyo boqolkiiba 5 ee dhaqaalaha la soo helay ee horay loo lunsaday.
Dhanka dowlad wadaajinta in hadii barasaabka ismaamulka uu rag yahay inay ku xigeen u noqoto haweeney. In guddoomiyaasha ismaamulada ay ku xigeenadooda ku soo magacaabaan 90 cisho gudahood iyo in sido kale miisaaniyadda loo qoondeeyo dowlad deegaanada laga dhigo ugu yaraan boqolkiiba 35.
Hoggaamiyaha mucaaradka dalka ahna ergeyga gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha waddooyinka Raila Odinga ayaa sheegay inaan loo baahneyn qarashaadka badan ee ismaamullada ay ku bixiyaan howlo aan muhiimad gaar ah u lahayn dadweynaha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay safarrada ay siyaasiyiinta dowlad deegaanada galaan si ay u soo arkaan mashruuc meel kale laga fuliyay oo ay wax uga soo kororsadaan.
Raila ayaa xusay inay si buuxda u taagerayaan soo jeedinta guddiga BBI ee ah in boqolkiiba 70 ee dhaqaalaha loo qoondeeyo dowlad deegaanada in loo adeegsado arrimaha horumarka halka 30 kalena lagu maareeyo howlaha bulshada loogu adeego.
Raila -dowlad wadaajin
Kenyaanka inaynan dareensaneyn inay badqabaan sidaasi awgeedna ay doonayaan in lagu baraarugo in qof kasta oo kenyaan ah ay noloshiisa qiimo leedahay iyo in dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare lagu dhigto casharro ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here