Qodobbo ka soo baxay shirweynihii shalay lagu soo gabagabeeyay Nairobi

Madaxdii ka qeyb gashay shirweynihii 25- aad ee hay’adda caalamiga ee tirada iyo horumarka ee (ICPD25) oo shalay lagu soo xiray caasimadda wadanka ee Nairobi ayaa ku heshiiyay qodobbo dhowr.
Waxay go’aamo adag ka qaateen in la cirib tiro dhaqamada iyo falalka waxyeeleeya nolosha ama mustaqbalka haweenka iyo gabdhaha yaryar.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 9500 oo mas’uuliyiin ah oo ka kala socotay ugu yaraan 170 wadan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in si wadajir ah la isugu raacay ka hor tagga umul raaca , xadgudubka la xariira jinsiyadda ee lagula kaco haweenka iyo dhaqamada uu ka midka yahay gudniinka fircooniga ee FGM-ka.
Dr. Ruto ayaa xilli uu shirkaasi soo xirayay hoosta ka xarriiqay in dowladda Kenya ay sii wadi doonto inay xoogga saarto ilaalinta xuquuqda dumarka iyo gabdhaha yaryar.
Waxaa uu intaasi ku daray in sido kale la kordhin doono barnaamijyada noloshooda lagu horumarinayo.
Dr. Ruto ayaa xusay inta uu hoggaanka hayo madaxweyne Uhuru Kenyatta in mudnaanta koobaad la siin doono awood siinta haweenka iyo la tacaalidda tacaddiga kala duwan ee lagula kaco.
Agaasimaha guud ee sanduuqa qaramada midoobay u qaabilsan tirada dadweynaha ee (UNFPA) Natalia Kanem, ayaa dowladda dhexe ku ammaantay dadaalada ay waddo.
Waxay sheegtay inay doonayso in gudniinka FGM-ka gudaha wadanka looga cirib tiro 10 sano gudahood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here