Qof burcad oo isku dilay si uu uga baxsado xarig

Wararka naga soo gaaray deegaanka Kapsaret ee ismaamulka Uasian Gishu ayaa sheegaya inuu isdilay nin burcad ahaa kaddib markii uu ka war helay in saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da ay ku raad joogaan.
Saraakiisha waaxda DCI-da ayaa waxay sheegeen in ninka is dilay uu ka mid ahaa koox looga shakisan yahay in burcad yihiin kuwaaso saraakiisha qabteen ay u sheegeen halka ku sugan yahay saxiibkooda.
Burcadaan ayaa la sheegay in ay weerareen oo ay dhac u geysteen dhibbane, taas oo keentay inuu miyir daboolmo.
3 ka mid ah burcadda oo ay saraakishu su’aalo weydiiyeen ayaa kaddib waxay aadeen guriga tuhmanaha afaraad oo kuyaala xaafada Sauti ya Engine ee deegaanka Kapsaret, balse markii uu maqlay in saraakiisha booliska ay gurigiisa ku soo jeeda ayuu waxaa uu cunaha isga jaray mindii islamarkaana goobta uu geeriyooday.
Eedeysanayaasha ayaa ku sii jiri doona xabsiga inta maxkamad laga soo taagayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here