Qof Corona looga shakisan yahay oo Soomaaliland ku dhintay

Warka ka imaanaya Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal ayaa waxaay sheegayaan in halkaas lagu aasay qof looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,oo maalmihii la soo dhaafay xanuunsanaa kadibna geeriyooday.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qofkaasi oo ahaa Dhalinyaro uu ku jiray Xarun karantiil oo ku taalla Magaalada Boorama,isla markaana dheecaan laga qaaday loo diray baaritaan,hayeeshee inta aan la helin jawaabta baaritaankiisa uu geeriyooday.
Waxaana aaskiisa ka qeyb qaatay Shaqaale ka tirsan Waaxda Caafimaadka Soomaaliland oo la diyaariyey iyo dad kooban oo kamid ah eheladiisa,sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha Soomaaliland.
Baaritaanka loo diray dheecaanka laga qaaday qofkaan Geeriyaaday ayaa hadii la helo jawaabta oo ah in uu qabay Cudurka Coronavirus waxaa uu noqonayaa qofkii ugu horeeyey ee deegaannada Soomaaliland ugu geeriyooda Cudurka COVID-19.
Dhimashada qof looga shakisanaa Cudurka Coronavirus ee Magaalada Boorama ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli qofkii ugu horeeyey uu Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday deegaannada Puntland uuna xaqiijiyay wasiirka caafimaadka Puntland Jaamac Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here