Qof hubaysnaa oo xalay Muqdisho lagu toogtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa sheegaya in Howlgal ay xalay sameeyeen Ciidamada Booliska degmada Howl-Wadaag ee gobolkan Banaadir ay toogasho ku dileen Nin hubeysnaa oo la sheegay inuu burcad ahaa halka kuwo kale ay gacanta ku dhigeen Ciidamada amaanku.
Howlgalkaan ayaa ka dambeeyay sida la sheegay,kadib markii qaar kamid ah Shacabka degmadaasi ay ka cawdeen kooxo hubeysan oo Burcad ah oo mararka qaar dhac u geysanaya.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska howlgalka fuliyay ayaa sheegay in Kooxaha burcada ah qaarkood ay dagaalameen,taasoo sababtay in mid kamid ah ay toogtaan mid kalena ay Nolosha ku qabtaan.
Waxaa uu sheegay in raggaasi ay ahaayeen kuwo xilliyada qaar dhac ka geysanayay xaafadaha degmada Howl-Wadaag ee Magaalada Muqdisho,isla markaana howlgalladaana sii socon doonaan ilaa iyo inta laga sifeynayo Kooxaha Burcada ah ee degmadaas ku dhuumaalaysanaya.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ragga Burcadka ah ay ku labisnaayeen dareeska Ciidamada Dowladda sidoo kale wateen Mooto Bajaaj iyo laba qori oo AK47 ah,kuwaasoo dadka ay ku dhici jireen.
Degmooyin ay kamid yihiin,Hodan, Howl-Wadaag, Dharkenley iyo Wartanabada ayaa maalmihii la soo dhaafay dadka ku nool waxaay cabasho ka muujinayeen Kooxo Burcad ah oo habeen iyo maalin dhac u geysanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here