Qof kasta oo tagaya goobaha dadweynaha oo laga doonayo inuu maaskaro xirto

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shaaca ka qaaday inay Khasab tahay in qof kasta oo tagaya meelaha ay dadweynaha isugu tagaan sida suuqyada iyo xarumaha kale eel aga dukaamaysto uu xirto maaskaro ama marada sanka lagu xiryo ee loo yaqaano Facemask.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in shacabka laga doonayo inay amarkan u hoggaansamaan.
Mr.Kagwe ayaa sido kale sheegay in warshad ku taalla ismaamulka Kitui ay maalin kasta soo saari karto 25,000 oo Facemask ah.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada Dowladda dhexe iyo ismaamullada ay ugu jiraan xakameynta faafitaanka cudurka Covid-19.
Maalinkii Jimcada ayay ahayd markii wasiiradda wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Betty Maina ay sheegtay in ilaa 6 milyan oo maaskaro ah lagu sameyn karo gudaha wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here