Qof loo xiray dil loo gaystay ganacsade

Nin lagu magacaabo Robert Bodo ayaa loo qabtay dilkii loo gaystay Kevin Omwenga kaas oo ganacsade ahaa.
Ciidamada booliska ayaa maanta xiray Bodo kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu dilka fuliyay.
Waxaana lagu helay eedeysanaha hub iyo 13 rasaas ah waxaana loo malaynaya in hubkaas uu u adeegsaday dilka.
Ciidamada dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa guda galay baaritaan ku aadan dhacdan.
Kevin Omwenga ayaa ahaa dadka ka ganacsadaa baabuurta.
Walaalkiisa oo lagu magacaabo Wycliff Omwenga,ayaa wuxuu sheegay in xiligii la dilayay walaalkiis uu ku jiray jikada isagoona diyaarsanayay casho waxaa uuna intaa sku daray in qolka jiifka uu ka maqaly xabad dhacayso isagoona mar dambe sheegay inuu ogaaday in walaalkis laga taqalusay.
Ganacsadahan la dilay ayaa gurigiisa waxaa uu ku yaala xaafada Kilimani ee Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here