Qofkii laga helay cudurka Covid-19 ee Laikipia oo la sheegay inuu Islii u soo safray

Laikipia

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Laikipia ayaa sheegay in qof halkaas ku sugan oo dhawaan laga helay cudurka Covid-19 uu safar ku yimid xaafadda islii ee magaaladatani Nairobi ka hor inta uunan ismaamulkaas dib ugu laaban.
Ninkan ayaa da’diisu lagu sheegay 34 sano.
Inuu islii yimid kaddibna Laikipia ku noqday waxaa warbaahinta u sheegay wasiirka caafimaadka ee dowlad deegaankaas Dr. Lenai Kamario.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in bukaanka oo aan wax astaamo ah muujin hadda lagu hayo goob gaar ah.
Laikipia ayaa noqotay ismaamulkii ugu dambeeyay ee uu saameeyo caabuqa coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here