Qofkii leesin la’aan ka ganacsada shidaalka oo la saarayo ganaax ah 10 milyan

Guddiga qaabilsan maareynta tamarta iyo isticmaalka batroolka ee dalka ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu digniin ugu jeediyay shakhsiyaadka sida sharci darrada ah uga ganacsado shidaalka ama gaaska.
Guddigan ayaa sheegay inuu go’aan qaatay kaddib markii walaac dhanka badqabka ah uu uga yimid dadweynaha.
Cid waliba oo ka ganacsato haddii ay tahay qeybinta gaaska, musaafurinta ama iibinta haamaha lagu shubto ayaa digniin adag loo jeediyay.
Waxaa lagu wargeliyay in haddii ay si jumlo ama tafaariiq uga ganacsanayaan ay xaqiijiyaan inay haystaan leesinka ama oggolaanshaha ganacsi.
Sido kale waxaa mamnuuc ah inaad iibiso haan shidaal oo ay shirkad leedahay iyadoo aadan wax oggolaansho qoraal ah ka haysan.
Haddii aadan amarkan u hoggaansamin waxaad muteysanaysaa ganaax lacageed oo ah ugu yaraan 10 milyan oo shilin ama ugu yaraan 5 sano oo xabsi ah ama waxaa lagaala laabanaya leesinka shaqo.
Dadweynaha ayaa dhanka kale loogu baaqay inay feejignaan dheeeraad ah muujiyaan oo ayna guddiga maareynta tamarta iyo isticmaalka batroolka ku soo wargeliyaan cid waliba oo aan amarkan u hoggaansamin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here