Qofkii ugu horreeyay ee gudaha dalka ugu dhintay Covid-19 oo la aasay

Waxaa galinkii dambe ee shalay ismaamulka Trans Nzoia lagu aasay qofkii ugu horreeyay ee gudaha wadanka ugu dhintay cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Munaasabadda aaska ayaa qaadatay muddo 35 daqiiqo oo keliya.
Qofka shalay la aasay ayaa lagu magacaabi jiray Maurice Namiinda waxaana lagu duugay tuulada Naisambu ee magaalada Kitale.
Sida ay maalmo ka hor Dowladda dhexe amartay waxaa aaska ka qeybgalay tiro kooban oo ah xubnaha qoyska ee dhalasho ahaan ugu dhow qofka dhintay.
Waxaa aaska goob joog ka ahaa ciidamada ammaanka oo xaqiijinayay inaynan ka qeyb gelin dad ka badan 15 qof.
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Trans Nzoia ,Samson Ojwang ayaa sheegay in aaska uu dhacay iyadoo la raacaya tilmaamaha saraakiisha waaxda faya dhowrka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here