Qofkii ugu horreeyay oo New Zealand ugu dhintay COVID-19 muddo 3 bilood ah

Dalka New Zealand ayaa maanta laga diiwaangelisay dhimashadii ugu horreysay muddo saddex bilood ah taasoo la xiriirta cudurka COVID19.
Saraakiisha caafimaadka ayaa qofka cudurka u dhintay ku sheegay nin ay da’diisu ahayd 50 sano.
Dhimashadan ayaa laga xaqiijiyay isbitaalka magaalada Auckland ee Middlemore.
Tani ayaa tirada guud ee dhimashada ee ilaa iyo hadda wadankaas laga diiwaangeliyay ka dhigaysa 23 qof.
Dhanka kale wasaaradda caafimaadka ee dalka Iiraan ayaa sheegtay in dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 ay kor u dhaaftay 22,000 .
Tani ayaa timid kaddib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay cudurka u dhinteen 118 qof oo dheeraad ah.
Dhimashada guud waxay hadda maraysaa to 22,044 halka tirada xaaladaha corona ee wadankaas laga xaqiijiyay ay guud ahaan yihiin 382,772
Dhanka kale wasaaradda waxbarashada ee Faransiiska ayaa xirtay 22 kaddib markii laga soo tabiyay kiisaska COVID-19.
Talaadadii ayay ugu yaraan 12 milyan oo arday ah dib ugu laabteen dugsiyada.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here