Qorshaha ay Britain uga baxayso midowga Yurub oo dib loo dhigay

Xubnaha golaha midowga Yurub ee EU-da ayaa isku raacay in dib loo dhigo taariikhda kama dambeyska ee boqortooyada Ingiriiska ay isaga baxayso dalladdaasi.
Britain ayaa loo oggolaaday inay ka mid ahaanshaheeda midowga Yurub soo afjarto 31-da bisha koobaad ee sannadka 2020-ka.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in hannaanka ka bixintaanka ingiriiska ee Brexit laga dhabeeyo dhammaadka bishan Oktoobar.
Madaxa golaha EU-da ,Donald Tusk ayaa maanta oo isniin ah barta twitarka ku sheegay in 27-da xubnood ay isku afgarteen in la tixgeliyo codsi uga yimid UK.
Waa markii labaad oo qorshahan dib loo dhigo tan iyo aftidii Britain ka dhacday sannadkii 2016-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here