Qorshaha istaraatiijiga ee IPOA oo xariga laga jaray

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitarka ku sheegay in maanta uu xariga ka jaray qorshaha istaraatiijiga ee maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliska ee IPOA.
Qorshahan ayaa shaqeynaya inta u dhexeysa (2019-2024).
Dr. Matiangi ayaa xusay in tani ay tahay tallaabo aad muhiim u ah oo horay loo qaaday taaso xoojinaysa iskaashiga maamulkan kala dhexeyay waaxda qaran ee adeegga booliska.
Wasiirka ayaa dhanka kale IPOA iyo maamulada kale ee madaxa bannaan u ballanqaaday inuu ku taageerayo fulinta waajibaadka loo igmaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here